
Taliska ciidamada dowladda Puntland oo war rasmi ah ka soo saaray hawlgal qorshaysan oo ay saaka ka fuliyeen buuraha Calmiskaad ayaa shaaciyay in ay si buuxda ula wareegeen Ceelka Garooba, Ceelka Dhasaqan, Lugta Dhanaan, degaanka Ablaaya iyo buuraha Dalfalo oo dhammaantood ku teedsan ka togga Baallade.
Warkan oo ka soo baxay Hawlgalka Calmiskaad ayuu ku xaqiijiyay in guutada kowaad ee ciidamada difaaca Puntland saaka gacanta ku dhigeen dhammaan degaannada kor ku xusan, oo ay hore ugu dhuumanayeen mileeshiyaadka Daacish, kuwaasi oo sii firxaday ka hor inta aysan ciidamada dowlladdu la wareegin dhulkaasi.
“Guutada 1-aad ee Ciidamada Difaaca Puntland ayaa la wareegey Ceelka Garooba, Ceelka Dhasaqan, Lugta Dhanaan, deegaanka Ablaaya iyo buuraha Dalfalo oo ka tirsan buuraha Calmiskeed ee togga Baallade, kuwaasi oo khawaariijta Daacish u ahaa fadhiisimo muhiim u ah” ayuu u qor warka ka soo baxay Hawlgalka Calmiskaad.
“Sidoo kale Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay godad iyo goobo u ahaa kaydadka Saadka iyo difaacyo ay ku ilaalinjireen Dumarka iyo Caruurta, waxaana ay ciidamadu ku raadjoogaan firxadkooda” ayuu sii raaciyay Hawlgalka Calmiskaad oo ka warbixinayay saadkii iyo sahaydii loogu tegey degaannadii laga saaray Argagixisada Daacish.
Halkaan ka eeg Sawirada Hawlgalka










PUNTLAND POST