Puntland: Ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan oo markii labaad laamiga ka xirtay degmada Xarfo ee gobolka Mudug

Ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa markii labaad todobaad gudihiis waxay degmada Xarfo ee gobolka Mudug ka xirteen laamiga dheer ee Garoowe iyo Gaalkacyo, taasi oo xannibtay isu socodkii gaadiidka kala duwan.

Ciidankan gadoodsan oo ka cabanaya mushaar la’aanta ayaa gebi ahaanba la wareegay kastamkii canshuuraha degmada Xarfo, halkaasi oo ay ku xannibeen gaadiidkii ugu badnaa oo xamuul ka keenay dekedda Boosaaso, siday sheegayaan wararka ka imaanaya degaankaasi.

Boqollaal gaadiid xamuul ah oo rar culus ka soo qaaday dekedda Boosaaso ayaa ku xanniban kastamkii canshuuraha degmada Xarfo oo ay haystaan ciidankan gadoodsan ee dalbanaya mushaar iyo xuquuq kaga maqan xukuumadda Puntland, balse weli dowladdu wax jawaab ah kama bixin arrintaasi.

Gaadiidka xamuulka ah ee ku xanniban degmada Xarfo oo ku sii jeeday gobollada dhexe ee Soomaaliya iyo sidoo kale dalka Itoobiya waa gaadiid canshuur bixiyaal ah oo aysan saacad ku baaqan canshuurtii Puntland ku lahayd haddana waxay wajahayaan xannibaad aan sharci ahayn oo kaga timid ciidankii dowladda.

PUNTLAND POST