
Ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan iyo daryeel la’aan ayaa saaka oo Sabti ah xirtay afaafka hore ee isbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso, waxaana ay xannibeen isu socodka gaadiidka dadweynaha ee jidkan halbawlaha.
Ciidankan oo ah askartii ku soo dhaawacmay Hawlgalka Calmiskaad oo ka cabanaya daryeel la’aan ayaa markii saddexaad xiranaya waddooyinka Boosaaso, waxaana ay dowladda ka dalbanayaan in si deg deg ah wax looga qabto cabashadooda, balse weli xukuumaddu jawaab kama bixin dalabkooda.
Gadoodka ciidamada ka cabanaya mushaar la’aanta ayaa dhawaanahan ku soo badanaya degaannada Puntland, iyadoo maalmo ka hor ciidamo ka gadoodsan xuquuq la’aani ay laamiga dheer ee Garoowe iyo Gaalkacyo ka xirteen nawaaxiga degmada Xarfo ee gobolka Mudug, halkaasi oo ay ku xannibeen isu socodkii gaadiidka.
PUNTLAND POST