
Hawlgal culus oo cir iyo dhul ah ayay saaka ciidamada difaaca Puntland ka wadaan buuraha Xabley ilaa togga Baallade, halkaasi oo ay ku harsan yihiin firxad ka tirsan mileeshiyaadkii Daacish.
Ciidamada oo todobaadkan bilaabay hawlgalka ayaa jiho kasta kaga dhaqaaqay togga Baallade ilaa buuraha Xabley, oo ay ku dhuumanayaan habqankii hore uga badbaaday hawlgalkii kan ka horreeyay ee togga Miraale, sidaan ka xiganay saraakiil sare oo ka tirsan Hawlgalka Calmiskaad.
Sidoo kale diyaaradaha dagaalka Puntland oo dusha sare ka ilaalinaya ciidamada ayaa saaka duqeymo aan kala joogsi lahayn ku garaacaya godad ay ku go’doonsan yihiin argagixisadu, halkaasi oo laga arkayo qiiq iyo uuro is qabsaday.
Duqeymaha waxaa sidoo kale qeyb ka ah diyaaradaha dagaalka Maraykanka oo garaacaya godadka adag, kuwaasi oo xalay fuliyay duqeymo xooggan oo ka dhan ah firxadkii argagixisada, inkastoo aysan Puntland iyo Maraykanka midna weli ka hadlin duqeymihii xalay.
PUNTLAND POST