
Maamulka Isbitaalka Guud ee Garowe ayaa beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada iyo meelo kale, kuwaas oo ku saabsan adeegyada iyo qalabka caafimaad ee isbitaalka.
Isbitaalku wuxuu si gaar ah u caddeeyay in dhismaha qeybta kalyaha (Dialysis Unit) uu marayo heerkii ugu danbeeyay, iyadoo hadda la wado hawsha rakibidda qalabka, taas oo si dhakhso leh lagu soo afjari doono.
Sidoo kale, qalabka CT-Scan-ka oo ay keentay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa horay loo helay, iyadoo hadda uu socdo dhismaha qeybtii loogu talagalay, taas oo aan weli gebi ahaanba dhamaan. Waxaa la filayaa in dhismahaasi uu dhowaaan dhamaado si qalabku shaqo u bilaabo.
Maamulka isbitaalku wuxuu sheegay in qalabka MRI si wanaagsan loo ilaaliyay, islamarkaana uu sugayo dhammaan dhismaha iyo dejinta habboon ee qeybta loogu talagalay.
‘Waxaan u caddeyneynaa shacabka reer Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in wararkaasi aan sal iyo raad toona lahayn, loona baahan yahay in laga fiirsado faafinta warar aan la hubin oo wax u dhimaya kalsoonida iyo dadaallada socda ee horumarinta adeegyada caafimaad,” ayaa lagu yiri qoraalka maamulka Isbitaalka.
PUNTLAND POST