Waxa Puntland ka baran karto dadaalladii nabadeed ee Maxamed Abshir Muuse iyo Cabdirisaaq Xaaji Xuseen

W.Q. Aadan M. Daawad

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen (bidix) iyo Maxamed Abshir Muuse way ka hor jeedeen in la sii wado siyaasaddii iska hor keenka beelaha uu taliskii kacaanku ku dhaqmi jiray.

Boosaaso (Faallo) — Sanadkii 1991kii markii dagaalka sokeeye si buuxda uga qarxay Muqdisho, dad badan ayaa ka qaxay caasimadda. Dadka ugu badan waxay u qexeeen Kismaayo. Go’aanka uu qoys kaga qaxayay Muqdisho wuxuu gaar u ahaa qoyska, dad baa waxay Kismaayo u qexeen markay arkeen dadkii oo Kismaayo u qaxaya. Qaar badan oo ka mid ah dadkii Kismaayo u qaxay waxay u sii qexeen Gedo.

Bishii Maarso 1991 waxaa Kismaayo lagaga dhawaaqay urur loo yiqiin SNF (Somali National Front) waayo xilligaas ururkii USC ciidammadiisa ayaa soo qabsaday Shabeellaha Hoose kaddib markii ay cagta mariyeen ururkii SPM. SNF ma ahayn sida ururkii SPM, uu Axmed Cumar Jees hoggaaminayay oo ahaa mucaarad hubeysan ka soo horjeeday taliskii militariga.

SNF waxaa loo asaasay inay Kismaayo difaacdo oo keliya laakiin taladii siyaasadda iyo difaaca waxaa la wareegay koox aan waaya-aragnimo ciidan ama mid siyaasadeed toonna lahayn oo ay ula ekaatay inay Muqdisho qabsan karaan. Ururkii SNF wuxuu soo gaaray Afgooye billowgii Abriil 1991kii. Marxuum Maxamed Abshir Muuse, oo ahaa Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenkii Dowladdii Ku Meelgaarka xilligaas ayaa soo gaaray Kismaayo si uu wadahadal u diyaariyo. Waxaa sidoo kale Kismaayo yimid marxuum  Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, oo Ra’iisal Wasaare ka aaha Soomaaliya (1964-1967). Labada siyaasi way ka horjeedeen in colaad beeleed la abuuro. Way ka soo horjeedeen in urur sheeganaya inuu metelo beesha Daarood oo dhowr toddobaad ka hor la asaasay sheegto metelaadda siyaasadeed ee beesha. Waxay labada siyaasi soo jeediyeen in ururkii SNF joojiyo weerarka, aqoonsado dowldda ku meelgaarka wadahadal shuruud la’aan ahna la galo dowladdii ku meelgaarka. Way ka soo horjeesteen in “durbaan Daarood” la garaaco. Taariikh ahaan Kontomaadkii qarnigii hore odaayshii Daaroodku way ka soo hor jeesteen Xaaji Muuse Boqor oo ka hor yimid marxuum Cabdullaahi  Ciise Maxamuud, oo ahaa Ra’iisal Wasaarihii dowladdii gobanimo-gaarsiinta (trusteeship).

Asaasiddii Ururkii SNF

Kismaayo xilligaas waxaa talada siyaasadda hayay dad  u badnaa taliskii kacaanka oo isbeddelka dhacay aan aad uga warhaynin inuu gaarsiisnaa. Marka laga reebo marxuum Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) oo afkiisa gaabsaday markuu arkay in SNF (Somali National Front) aysan lahayn ujeeddooyin siyaasadeed, hoggaamiyayaasha intooda kale waxay u ekeysiyeen SNF urur Siyaad Barre talada ku soo celinayay.

Billowgii Abrill 1991kii ayay ciidammda USC soo jebiyeen ciidammadii SNF oo ku soo dhowaaday Muqdisho. USC waxay qabsatay Kismaayo dhowr toddobaad kaddib. Marxuum Jeneraal Caydiid ayaa hoggaaminayay ciidanka USC. Waraysigii kowaad uu siiyay wargeyskii Shabelle Press wuxuu ku sheegay in “Maxamed Abshir ka mid yahay maxaabiista SSDF ay USC ku qabatay Kismaayo”.  Marxuum Calasow Dheere ayaa ka hor yimid go’aanka Jeneraal Ceydiid.  Jeneraal Ceyiid wuxuu Maxamed Abshir saaray wax uu ku tilmaamay “maxkamad” laakiin wax dambi ah laguma helin. Isla toddobaaadkaas ayuu marxuum Madaxweyne Cali Mahdi, oo Kismaayo soo booqday,  magacaabay taliyaha ciidanka USC si uu u muujiyo in Jeneral Ceydiid ku xudgudbay Maxamed Abshir Muuse oo shaqo u joogay Kismaayo.

Dadkii Kismaayo ka qaxay oo Dhoobley aaday waxaa ka mid ahaa Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, oo Laanta af Soomaaliga uga warramay wixii dhacay. “Dadkii nabadda diiday maanta nabad way qaadan lahaayeen” ayuu yiri Cabdirisaaq. Hadalkaas dad badan ayaa dhibsaday laakiin wuxuu ahaa hadal dib u qaabeeyay siyaasadda beesha Daarood, isu soo dhoweeyay dowladdii ku meelgaarka iyo siyaasiyiinta nabad ku wada noolaanshaha aaminsan oo Jeneraal Caydiid u yiqiin “suluxa.” Waxaa kale oo meesha ka baxay ururkii SNF. Ururkii SPM, uu hoggaaminayay marxuum Cumar Macallin, ayaa loo doortay ururka rasmiga ah oo metela danaha dadkii u soo qaxay Kismaayo.

Heshiiskii USC iyo SSDF

Wafdi uu hoggaaminayay Xaaji Muddeey Gacal oo USC ka socday ayaa Nayroobi wadahadal kula yeeshay siyaasiyiin ay ka mid  ahaayeen Cabdirisaaq Xaaji Xuseen iyo Cabdullaahi Hoolif. Halkaas waxaa lagu heshiiyay in shir dib u heshiisiin ah lagu qabto Jabuuti, iyo in dowladda ku meelgaarku tahay dowladda sharciga ah ee Soomaaliya. Bil ka hor kulankaas, Burco waxaa lagaga dhawaaqay goosasho aan la isku raacsanayn.

Dowladdii kacaanku waxay hubkii ugu badnaa kaga tagtay Muqdhisho, Haregysa iyo Gedo. Hub badan waa laga ilaaliyay in la geeyo gobollada Mudug, Nugaal, Bari iyo Sool. Taasi waxay sababtay in ururkiii USC noqday ururkii  ugu hubka iyo waaya-aragnimada badnaa, uguna da’da yaraa. Waxaa USC la asaasay 1989kii.  Labo sano ayuu ururku jiray markuu ugu dambayntii riday taliskii milatariga 1991kii. Intaas waxaa dheereyd in ururka USC lahaa dhallinyarada hubeysan ugu badan iyo tiro aad u badan oo saraakiishii ciidanka xoogga dalka ka tirsanaan jiray.

Dib u soo kabashadii iyo dhisiddii maamulka Puntland

Dagaalladii Mudug ka dhacay 1991-1993 ka hor heshiiskii Gaalkacyo waxay ahaayeen dagaallo burbur, geeri iyo dhaawac badan sababay waayo ciidammadii SSDF wixii ka haray waxay billowgii 1991kii tageen Muqdisho. Waxaa hoggaaminayay marxuum Gardheere oo markii dambe ka mid ahaa ciidankii SNF soo gaaray Carbiska 1991kii. SSDF urur ahaan uma jirin dhinaca saanadda iyo saadka. Dhulka hadda Puntland la yiraahdo gaar ahaan Mudug iyo Nugaal waxaa laga abaabulay rayid ka qeybgalay dagaalkii Gaalkacyo. Magaca SSDF ayaa dib urur siyaasadeed ahaan loo soo nooleeyay 1991kii. Waxaa guddoomiye markii dambe u noqday Maxamed Abshir Muuse oo ku  metelayay shirarka ka hor inta uusan u soo guurin Boosaaso 1992kii.

Casharka ugu weyn laga bartay dagaalladaas waa in dadkii dib u heshiisiinta taageeray, oo uu markii dambe ka mid ahaa marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ay dhidibbada u aaseen maamulkii Waqooyi Bari iyo markii dambe, 1998kii, maamulka Puntland. Dadkii doonayay in haybta Daarood siyaasadda lagu abaabulo way ku guuldarraysteen siyaasadda. Siyaasadda isdifaaca, is xaqdhowrka iyo ilaalinta midnimada Soomaaliya ayaa sal u ahayd dib u soo kabashada dhulka hadda loo yaqaanno Puntland.    

Dib u soo kabashada Puntland waxay ku salaysnayd odhaahdii Garaad Wiilwaal: “Ina rag wuxuu ku dhaamo walaaloq waayay.” Siyaasad ku dhisan xanaaq ama siyaasad ay jaangoynayaan kooxo xagjir ah oo ka xanaaqsan fursado ay waayeen waxay dadka u horseeddaa jab ay adag tahay in laga soo kabto. Maanta Puntland waxay maraysaa marxalad wax badan kala mid ah marxaladdii ka jirtay Kismaayo 1991kii, weliba hadda waa xaalad aad uga sii daran taas waayo  Soomaaliya waxay leedahay dowlad la aqoonsan yahay oo leh awood dakhli ururin, oo muujisay inay dhul xukumi karto ilaa xad, leh ciidan dunidu hubaynayso. Wax badan ayay madaxda Puntland maanta ka baran karaan dadaalladii nabadeed ee Maxamed Abshir Muuse iyo Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo aamminsanaa in dadka talada haya aysan ka macaashin dhiigga rayidka ama aysan boobin hantida dadweynaha.

© Puntland Post, 2025