Way fiicnaan lahayd in Madaxweyne Deni qaato taladii Madasha Puntland kaddib aqoonsigii SSCK

W.Q. Siciid M. Sheekh Cali

Maantana far baa maydh la’, ha ii fadhiyo geelu” Arraweelo

Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe (bidix) Islaan Ciise oo kaalin horseed ah ka qaatay soo afjaristii colaaddii Saaxmeygaag iyo Sengejebiye 2022kii.

Laascaanood ( Faallo) — Puntland waxay ka kooban tahay lix gobol marka la geego cahdiga lagu asaasay maamulka 1998kii. Marka Puntland ku dooddo in habka federaalka lagu heshiiyay waa hadal 50% run ah. Habka federaalka waxaa ku heshiiyay beelaha Puntland wada dhistay, hase ahaatee hadda qaarkood ay maamul madaxbannaan noqdeen, qaarna ay doonayaan inay maamulkaas ku biiraan. Puntland waxay ku dhisan tahay aragtidii gobonimoddoonka ee SYL oo ah: in la dhowri xaqa qofka Soomaaliga ah, hantidiisa, iyo inuu dhulkiisa ugu noolaan karo si aan takoor ahayn. Sidaas darteed, Puntland ma aha maamul beeleed. Waa maamul Soomaaliyeed oo burburkii kaddib u istaagay ilaalinta midnimada dhuleed iyo siyaasadeed ee Soomaaliya.

Waaya-aragnimadii maamul ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf kaddib, asaasiddii Puntland ayaa sare u qaadday doodda in Soomaaliya yeelato hab federaal ku dhisan. Habkaas si habsami leh ayuu Soomaaliya uga hirgalay marka la eego dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka tan iyo 2012kii, markii dalku ka baxay ku meelgaarka.

Puntland ayaa horseed ka ahayd ka bixitaanka ku meelgaarka. Maamulkii Faroole wuxuu ahaa maamulkii kowaad oo taageeray in Puntland laba maamul kala noqoto kaddib markii uu oggolaaday in Khaatumo metelaad federaal yeelato 2012kii shirkii Nayroobi ka dhacay ay ka soo qeybgashay Hillary Clinton oo waqtigaas ahayd Wasiirka Arrimmaha  Dibedda Maraykanka. Siddeedda xildhibaan ee Khaatumo waxaa loo qeybiyay sidan: 5 Khaatumo ayaa la siiyay, 3 Puntland. Wax qeybsi wangaasan ayuu ahaa marka duruufaha  jiray la eego.

Dastuurka Puntland oo dhibaato ku ah danaha Puntland

Dastuurka Federaalka waxaa ku jira qodob ay Puntland u fasirato inay si madaxbannaan heshiisyo u geli karto inta afti dastuur la qaadayo. Fahamkaas qaldan waxaa sababay sida dastuurka Puntland, oo 2011kii wax laga beddelay, uu u qoran yahay.  Gebi ahaanba Dastuurka Puntland wuu ka hor imanayaa Cahdiga Puntland lagu asaasay oo ay ku caddahay midmimada dhuleed iyo siyaasadeed ee Soomaaliya. Dastuurka Puntland ma xusayo qarannimada Soomaaliya!

Puntland oo lix gobol ka kooban waxay la awood noqotay Galmudug oo hal gobol iyo nus ka kooban; weliba Puntland awooddeedii way sii wiiqantay markii ay xiriirka u jartay dowladda federaalka Soomaaliya 2023kii kuna doodday inay sida dal madaxbannaan u dhaqmayso. Puntland waxay saxiixday heshiiska salka u ah samaynta maamul federaal (laba gobol iyo wixii ka badan), laakiin Puntland waxay oggolaatay inay  la awood noqoto maaamullo ka baaxad yar, ka dad yar, ka waaya-aragnimo yar oo ka tiro yar gobol ahaan. Puntland waxay bannaanka ka istaagtay habka Soomaaliya deeqaha loogu qaybiyo oo ku salaysan in maamul kasta soo sheego dakhliga soo gala si aan loo siinin kabis miisaaniyadeed oo uusan u baahnayn haddii dakhli badan uu ka soo galo meelo kala duwan, tusaale bixinta shatiyada kalluumaysiga ama heshiisyada uu maamul la galo shirkado ajnabi ah. Waa sababta ay lacago badan oo deeqo horumarineed ah uga xayiran yihiin Puntland, lacagahaas oo ay dowladda federaalka Soomaaliya hayso.

Ismaandhaafka SSCK iyo Puntland

 Shalay Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni wuxuu eedeeyay maamulka SSCK inuu faragelin ku wado Puntland. SSCK iyo Puntland waa labo maamul oo kala madaxbannaan laakiin aan weli kala bixin. Marnaba muu xiganin dastuurka Punland, oo ah maamulka ugu hor taageeray SSCK.  

Dhowr toddobaad ka hor, Ilyaas Lugatoor, Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland wuxuu sheegay in imtixaanka Puntland la geyn doono dhulka SSCK maamusho. Yaa faragelin wada?  Deni wuxuu dhowr bilood ka hor sheegay in “Somaliland danaheeda raacan karto.” Dad badan oo maamulka SSCK uu metelo waxay hadalkaas u fasirteen in Deni taageeray duqeyntii lixda bilood uu maamulka goosasho-doonku u geystay Laascaanood sanadkii 2023kii. Hadalkiisu wuxuu ka soo horjeedaa Cahdiga Puntland lagu dhisay oo ku salaysan dhowrista midnimada iyo qarannimada Soomaaliya, ka sokow inay godob ka tirsanayaan dad ay tol yihiin abtirsiinyo ahaan.

Madaxweyne Deni wax buu ka dheefi kari lahaa taladii Madasha Puntland u soo jeedisay maamulkiisa kaddib aqoonsiga uu maamulka SSCK ka helay dowladda federaalka Soomaaliya.

Dad badan oo reer Puntland ah ayaa u arka  xildhibaannada Hartiga Waqooyi ee Puntland kuwo caqabad weyn ku ah maamul-wanaag inuu ka dhaco Puntland. Waa xildhibaannada lagu eedeeyo inay mas’uul ka yihiin in awoodda siyaasadeed ee Puntland ku urursan tahay Madaxtooyada Garoowe iyo inay yihiin xildhibaanno maamul kasta uu u adeegsado ku xadgudubka dastuurka Puntland iyo lunsashada baahsan lagu hayo hantida dadweynaha.

Tan kale, 17 xildhibaan ayaa hadda magaca SSCK kaga mid ah Baarlamaanka Puntland. Maamulka SSCK madax-dhaqameedkiisu ma soo xulin 17ka xildhibaan. Madax-dhaqameedka SSCK waxay soo jeediyeen talo Puntland ka badbaadisay inuu iska hor imaad ku dhexmaro xoogagga ka soo horjeeday Deni iyo ciidammada maamulka Puntland. Sadaasha Qaramada Midoobay xafiiskeeda Soomaaliya tiil xilligaas (Diseembar 2023) waxay sheegaysay inuu dagaal ka dhaco  Garoowe ay u badnayd. Welwelkii dadka Puntland wuxuu dhammaaday markii Madaxweyne Deni aqbalay inuu galo doorasho ku salaysan 66 Xildhibaan, oo 17 ka mid uu gacantiisa ku soo xushay, sida mucaaradka Puntland ku eedeeyeen.

Madaxweyne Deni ma laha la taliye ka caawiya wax soo gudbinta siyaasadda (political communication). Waa dhab in cadaadis siyaasadeed oo badan uu Puntland kaga yimid Muqdisho, laakiin maaraynta  tallaabooyinka dowladda federaalku qaadayso waxay u baahan tahay degganaan iyo dhirif la’aan. Deni uma baahna inuu isbahaysi aan sal lahayn raadsado ama hadal hurin colaad beeleed loo fasiran karo ku hadlo. Dad badan ayaa dan u arka colaad siyaasadeed oo Hartiga dhexmarta waayo xitaa waxa dumi doona hoggaanka dhaqanka ee  Daarood haddii siyaasiyiinta isku dirka wada la xakamayn waayo.

Siyaasadda “sug oo eeg” uu Madaxweyne Deni kula dhaqmay Maamulka SSCK

Dhowr bilood ka hor markii maamulka SSCK uu magacaabay Guddi ka shaqeeya iskaashi lala yeesho Puntland, Deni wuxuu tallaabadaas u arkayay dhalanteed. Colaad siyaasadeed oo Harti dhexmarta waxay noqon doontaa caddaynta in habka federaalku yahay hab qabiilaysan (clan federalism) oo aan maarayn karin danaha siyaasadeed ee beelaha habka federaalka inuu Soomaaliya ka hirgalo u qareemayay tan iyo 1998kii. Haddii maanta Puntland lahaan lahayd hab lagula xisaabtamo maamulka xilka haya, Deni waxaa lagu eedeyn lahaa inuu dhaawacay danaha Puntland kaddib markii uu siyaasad “sug oo eeg” ah kula dhaqmay maamulka SSCK oo iskaashi soo bandhigay sanadkan horraantiisii.

Waxaa xusid mudan in dowladda Puntland aysan si rasmi ah u taageerin aqoonsiga uu maamulka SSCK ka helay dowladda federaalka Soomaaliya. Waxay kale oo Puntland dhegaha ka furaysatay baaqii ay Madasha Puntland soo jeedisay ee ahaa in wadatashi la iskugu yimaado Puntland maadaama SSCK ay noqotay maamul gaar ah. Wadatashigaas wuxuu ka hortagi lahaa in qeybo kale oo Puntland ka mid ah raadiyaan inay ka baxaan Puntland. Waa gef weyn oo siyaasadeed uu Deni galay, oo aan lala wadaagin. Muxuu ilaa hadda Madaxweyne Deni u diiddan yahay inuu wadatashi qabsoomo si looga wada hadlo aayaha  hay’adaha siyaasadda ee Puntland iyo kaalinta ay ku leedahay dowlad dhisidda Soomaaliya?

Colaaddii Saaxmaygaag iyo Sengejebiye uu Muuse Biixi waday

Sanadkii 2022 markii colaaddii Saaxmaygaag ay socotay, shir ayaa ka dhacay Garoowe. Colaaddaas waxaa riixiyay Muuse Biixi oo doonayay inuu dagaal dhexmaro Dhulbahante iyo Majeerteen. Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe , Islaan Ciise iyo Suldaan Garaase ayaa ka mid ahaa dadkii shirka ka qeybgalay oo go’aamiyay in deeganka la isku haystay uu ka mid yahay Boocame, iyo in dhulku yahay dhul dowlad Soomaaliyeed leedahay. Sharciga Puntland ayaa lagu saleeyay nabadaynta.  Colaaddii uu Biixi la rabay Garoowe waxay ka dhacday Laascaanood. Muuse Biixi wuxuu haystay ugu yraan 4000 caaglayaal reer Sool ah oo dagaal ka ridi karay duleedka Garowe. Odayaasha Hartiga ayaa ka hortagay dagaalkaas. Muuse Biixi wixii uu maleegayay isaga ayay ku noqdeen. Ciidan qarsoodi ah oo 2022kii la geeyey xadka Sool iyo Mudug baa jiray si halkaas uu Biixi colaad uga abuuro, si dagaal uu hal mar uga wada dhaco xadka Sool iyo Nugaal iyo xadka Sool iyo Mudug.

Saameynta is go’doominta Puntland 

Puntland waxay ka qatan tahay taageerada Xoogga Dalka Soomaaliya la siiyo sababtoo ah Puntland ma aqoonsana Xoogga Dalka.  Waa mowqif ay kala mid tahay maamulka  goosasho-doonka ah, oo weliba 2013kii loogu sadburiyay habka sida gaarka wax loogu siin jiray (Special Arrangement).

Soomaalida kale oo dhan waxay eegaysaa Puntland. Haddii Puntland ay si bisayl leh u maamuli weyso isbeddelada ka socda, waxay noqon doontaa caddaynta in habka federaalku fashilmay iyo in hab awoodda meel dhexe ay ku urursan tahay yahay habka ku habboon Soomaaliya inta ay ka baxayso colaadaha ay argaggixisada iyo goosasho-doonku oloosaan. Waxaa habboon in Puntland ay qaadato siyaasad ay ku taageerayso in Puntland aysan isku sii rarnaanin: lix gobol oo siyaasadda qaranka ka go’doonsan. Deni waa inuu ka badbaadiyo Hartiga xaalad la mid ah xaaladdii jirtay billowgii siddeetamaadkii ee qarnigii 20aad markii marxuum Khaliif Sheekh Maxamuud iyo marxuum Maxamed Shire Xirsi (Laba Go’le) isu gabyayeen.

© Siciid M. Sheekh Cali