
Isimmada Dhaqanka Gobollada Sanaag iyo Haylaan oo Warsaxaafadeed Rasmi ah soo saaray ayaa si buuxda u caddeeyay in ay ka tirsan yihiin Dowladda Puntland, waxaana ay been abuur ku tilmaameen Warka ku saabsan in ay ku biirayaan Maamulka Khaatumo.
“Gobollada Sanaag iyo Haylaan waxay ka mid yihin goboladdii lagu assaasay Dawladda Puntland 1998, ka qayb ahaanshahooda Puntlandna aan waxba iska bedelin. Dowladda Puntland waxaan u soo jeedinaynaa inay ka shaqayso korna u qaado horumarka iyo difaaca Goboladdan.”
“Waxaan caddaynaa in aanu jirin shir siyaaasadeed oo ay beeshu yeelatay go’aamo-na ka soo baxeen gebi ahaanba.
3- Waxaan Isimada dhaqanka Khaatumo iyo maamulkoodaba u caddeynaynaa in aanu jirin cid wakiil ka ah bulshada Gobollada Sanaag iyo Haylaan oo aan u wakiilanay shirka la sheegay inuu ka dhacayo magaalada Laascaanood, qaybna anaan ka ahayn waxkasta oo ka soo baxaa shirkaas, diyaarna aanaan u ahayn in aan qayb ka noqono hawlaha ka socda halkaas.”
“Waxaan Isimada dhaqanka beelaha walaalahayo ee Siciid Harti ka dalbanaynaa in ay raaligelin buuxda ka bixiyaan arrimaha faragelinta beelaha Gobollada Sanaag iyo Haylaan taas oo wax yeeli karta wada nolaanshaha bulsho, kalana fogeyn karta bulshada ehelka iyo deriska ah” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Rasmiga ah ee ka soo baxay Isimmada Dhaqanka Gobollada Sanaag iyo Haylaan.
“Beesha Caalamka waxaan u caddaynaa in aanu jirin shir aan yeelanay iyo maamul dhisid cusub oo aan cid la galnay ama la gelayno. Ugu dambeyntii, waxaan ugu baaqeynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay qabato wixii loo doortay, kana fogaato isku dirka beelaha walalaha iyo deriska ah” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka Isimada.

PUNTLAND POST