
Ciidamada difaaca Puntland oo maanta hawlgal ka sameeyay togga Baallade ayaa gacanta ku dhigay argagixiyay u dhashay dalka Turkiga oo ka tirsan firxadka mileeshiyaadka Daacish.
Qoraal kooban oo ka soo baxay guutada 3-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayay ku xaqiijiyeen in ay gacanta ku dhigeen argagixiye ka tirsan firxadkii mileeshiyaadka Daacish oo u dhashay dalka Turkiga, kaasi oo lagu qabtay ceel ku yaalla togga Baallade xilli uu biya ka dhaansanayay.
“Guutada 3-aad ee Ciidanka Difaaca Puntland ayaa gacanta ku dhigtay argagaxiye u dhashay dalka Turkiga, kaasi oo ka tirsan kooxda Daacish. Ninkaan ayaa lagu qabtay isagoo kaligiis biyo ka dhaansanaya ceel, oo ku hubeysan Qori A47, balse aan la socon wax koox ah” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay guuto-saddexaad.
Argagixiyahan oo aan weli magaciisa la shaacin ayaa wareysi saraakiishu la yeesheen, wuxu ku bixiyay macluumaad ku saabsan xogaha sirdoon ee mileeshiyaadkii uu ka tirsanaa ee Daacish, sida uu tilmaamay qoraalka ka soo baxay guutada saddexaad ee ciidamada difaaca Puntland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.