Calmiskaad: Mareykanka oo Raashin iyo Saad Ciidan cirka uga daadiyay Ciidamada Puntland

Saaxiibada dowladda Puntland ee Maraykanka ayaa Raashin iyo Saanad ciidan hawada Sare uga daadiyey Ciidanka difaaca dowladda Puntland ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka Calmiskaad.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa lagu sheegay in dowladda Maraykanku Raashin iyo Saanad ciidan hawada Sare uga daadisay Ciidanka difaaca dowladda Puntland ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka Calmiskaad.

Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad ee ciidamada Puntland ayaa intaasi ku daray in ciidamada loo daadiyay Raashinka iyo Saadku ay ku sugan yihiin dhul aan gaadiidku mari karin, halkaasi oo ay kula dagaallamayaan mileeshiyaadka argagixisada ah ee adaacish.

“Saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka ayaa Raashin iyo Saanad, hawada Sarre uga daadiyey Ciidanka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ee ka hawlgelaya Buuralayda Calmiskaad, kuwaasi oo ka hawlgelaya dhul aan gaadiidku mari karin” ayuu yiri Hawlgalka Calmiskaad.

PUNTLAND POST