Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya oo Shir ka yeeshay Iskaashiga Amniga iyo Arrimaha istiraatijiyadda

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta shir la yeeshay ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa kala hadlay iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, siday shaacisay Madaxtooyada Villa Somalia.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayay ku sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu uga mahadceliyay Midowga Yurub doorkooda muhiimka ah ee dib-u-dhiska hay’adaha dowladda, taageerada nidaamka federaalka iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyadii adkaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay qorsheyaasha dowladda ee dib-u-heshiisiinta, xoojinta dowlad-wanaagga iyo horumarinta nidaamka dimoqraadiyadda ee salka ku haya doorashada tooska ah, waxa uuna soo bandhigay qaban-qaabada qabsoomidda wadatashiga qaran iyo tallaabooyinka xasilinta siyaasadda dalka, siday sheegtay Madaxtooyada Villa Somalia.

Warsaxaafadeedka Madaxtooyada Soomaaliya ayay sidoo kale ku xustay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu adkeeyay in ay ka go’an tahay dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta iskaashiga caalamiga ah, si loo xaqiijiyo mustaqbal wanaagsan, midnimada, iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST