Booqashada Ra’iisal Wasaare Xamse ku tagay Laascaanood oo wax tartay Kabtan Ayuub

W.Q. Cabdiraxmaan H. C. Madar

Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre (bidix); Kabtan Ayuub (midig).

Stuttgard (Faallo) — Koox dallinyararo oo taageera kala goynta Soomaaliya oo ku sugan Jarmalka ayaa si been ah ugu soo eedeeyay Kabtan Ayuub, oo caan ka ah baraha bulshada, inuu booqdday Goojacadde oo ay ku tilmaameen meel argaggixisada Al-shabaab ay ku sugan tahay.

Booqashada Ra’iisal Wasaare Xamse ku tagay Laascaanood ayaa si cad u beenisay in argaggisixo ay ku sugan tahay Sool. Maamulkii Muuse Biixi, madaxweynihii hore ee maamulka Somaliland, ayaa 2023kii ku guuldarreystay inuu fidiyo beenta in “Khawaarij ku sugan tahay Laascaanood.” Dhallinyarada ka been-sheegtay Kabtan Ayuub beentii Muuse Biixi uun bay fidinayeen. Baaritaan kaddib hay’adaha amniga ee Jarmalku waaxay ogaadeen in Kabtan Ayuub uusan booqanin meel argaggixiso haysato.

Maxaa dhici kara haddii Maxamuud Xaashi, Xirsi Xaaji iyo Cabdiraxamaan Cirro lagu eedeeyo inay colaad isir naceyb ku salaysan hurinayaan iyada oo loo marayo xilalka ay hayaan, siyaasadaha ay taageeraan iyo dhalashada labaad ay haystaan? Shalay Faysal Cali Waraabe wuxuu taageerayay Al-shabaab.

Maanta qof kasta oo siyaasad ahaan u taageeray duqeyntii Laascaanood waa laga dacweyn karaa hay’adaha sharciga ee dalalka kale. Dad badan way og yihiin in hadalladii Adna Aadan Ismcaaiil ee ku saabsanaa taageeradeedii duqeynta Laascaanood ay sababeen in la joojyay dhammaan martiqaadyadii hay’aduhu u fidin jireen si loo weyneeyo hawlihii ay ka qabatay caafimaadka haweenka iyo dhallaanka. Jaalliyadaha Puntland waa inay tallaabo cad ka qaadaan beenta taageerayaasha goosasho doonku ka  sheegeen Kabtab Ayuub oo ah nin caan ku ah la dagaallanka argaggixisada.

 W.Q. Cabdiraxmaan H. C. Madar