Booqashada Taariikhiga Ah UU Ra’iisal Wasaare Xamse Ku Tagay Adhicaddeeye

Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre wuxuu booqasho ku tagay degmada Adhicaddeeye.

Muqdisho (Faallo PP) — Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdigiisa ayaa shalay booqday Adhicaddeeye, halkaas oo uu kaga qeybgalay martiqaad taariikhi ah. Labaatan sano ka hor, sanadkii 2005tii, maamullada Somaliland iyo Puntland waxay maxaamiis isku dhaafsadeen Adhicaddeeye. Xarunta Cilmibibaarista Horumarinta ee Puntland (PDRC) iyo Akadeemiyaha Nabadda iyo Horumantina (APD) ayaa gacan ka geystay isdhaafsashada maxaabista. Tallaabadaas ma horseedin xal siyaasadeed waayo maamulka Somaliland  ciidammadiisu dhul ka tirsan maamulka Puntland ayay joogeen oo waxay ku doodayeen inay Soomaaliya ka go’een. Warbixintii Golaha Amaanka ee 2006 ayaa lagu xusay isdhaafsiga maxaabiista.

Waxaa xusid mudan in hoggaamiyaha maamulka SSCK Cabdulqaadir Aw Cali (Firdhiye) uu u soo jeediyay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay dhexdhexaadiso maamulka SSCK iyo maamulka goosasho-doonka ee Somaliland. Wadahadalladii  dhexmari jriay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland waxaa beddeli doona wadahadallo dhexmari doona  maamullada ay colaaddu dhexmartay. Waa sidii ay ahayd 2005tii, hase ahaatee maanta Soomaaliya waxay leedahay dowlad federaal oo la aqoonsan yahay iyo maamul federaaleedyo.

Wasiirka Arrimmaha Gudaha Dowladda Federaalka Cali Xoosh iyo Taliyaha Ciidaanka Booliska Asad Cabdullaahi oo booqday Adhicaddeeye.

Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa heshiisyo badan la gashay maamulka  goosasho-doonka ah oo qodobbo ka mid ah heshiisyadaas u fasirtay inuu bad ka kireyn karo Itoobiya. Waa markii labaad oo ay  Itoobiya halis-gelisay qarannimada Soomaaliya. Markii kowaad waxay ahayd markii ay 1982kii qabsatay Goldogob iyo Ballanbaale, inkastoo ay eedday sidaas darteedna ay u noqotay dal aan bad lahayn kaddib markii ay jebisay heshiiskii Quwadaha Waaweyn ay ciidammada Soomaaliya kaga soo saareen Itoobiya 1978kii.

25 ka mid ah maxaabiista dagaalkii Laascaanood lagaga qabtay maamulka Somaliland oo uu maamulka SSCK ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Isdhaafsiga maxaabiista waa laga wadli karaa oo Dowladda Federaalka Soomaaliya kaalin dhexdhexaadin way qaadan kartaa haddii maamulka goosasho-dooonka ahi uu qiro in Soomaaliya tahay qaran leh xuduudo sugan oo ku salaysan Sharciga Caalamiga iyo Cahdiga Qaramada Midoobay, qodobkiisa 2(4) oo mamnuucaya in lagu xadgubo sharafta dhuleed iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee dal. Sanadkii 2023kii maamulka goosasho-doonka ah ciidammadiisu waxay duqeeyeen Laascaanood iyagoo ku doodaya (1) in Al-shabaab ku sugan tahay Laascaanood iyo (2) in Laascaanood aysan ka mid ahayn Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 

© Puntland Post, 2025