
Dowladda Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa beenisay warqad lagu faafiyay baraha oo ku saabsan in ay Puntland mushaarka ka jartay ciidamada ku sugan furimaha difaaca SSC-khaatumo.
Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Amniga dowladda Puntland ayay ku caddaysay in ay been abuur tahay warqadda sheegaysa in mushaarkii laga jaray ciidamada ku sugan furimaha hore ee SSC-khaatumo, islamarkaana aysan warqaddaasi ka soo bixin wasaaradda Amniga Puntland.
“Wasaaradda Amniga Puntland waxay halkaan ka cadaynaysaa in warqadda tixraaceeda lagadhigay XW/MOS/DDR/PL/059 taas oo ujeedo looga dhigay Joojita Mushaharka Ciidamada ku sugan Furimaha Tukaraq & SSC-Khaatumo laguna taariikheeyay Abriil 14 2025, ay tahay warqad been abuur ah oo aan waxba ka jirin islamarkaana aysan kasoo bixin xafiiska Wasiirka Amniga Puntland.”
“Hadaba, dhamaan hay’adaha amniga dowladda puntland waxaa la farayaa in ay talaabo adag ka qaadaan cid kasta oo caadaysata in ay ka been abuurtaan hay’adaha Dowladda Puntland” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Amniga dowladda Puntland.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.