
Dowladda Mareykanka oo bayaan kooban soo saartay ayaa been-abuur ku tilmaantay warar laga soo xigtay wasiir ka tirsan Puntland oo sheegaya in Mareykanku diblomaasiyiintii iyo shaqaalihii muhiimka ahaa kala baxay Muqdisho, sababa amni dartood.
Qoraal ay soo saartay safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayay ku beenisay wararka ku saabsan in Mareykanku shaqaalihii muhiimka ahaa kala baxay magaalada Muqdisho, kaddib markii ay kaabiga u soo istaageen dagaallamayaasha Argagixisada AS oo dhawaanahan sare u qaaday dhaq dhaqaaqooda dagaalka ee gobollada Shabeelooyinka.
“Waa been-abuur Warbixinaha u danbeeyay ee sheegaya in safaaradda Mareykanka ee Muqdisho bilowday in ay la baxdo shaqaalaha muhiimka ah” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo soo baxay maalin kaddib markii wasiirka Warfaafinta Puntland laga soo xigtay warka bixitaanka.
Sabtidii Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in Mareykanku badi diblomaasiyiintii iyo shaqaalihii muhiimka ahaa kala baxay magaalada Muqdisho, kaddib markii mileeshiyaadka Argagixisada ah soo galeen degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.