
Hay’adaha Amniga Puntland oo bilaabay hawlgal lagu baabi’inayo ilaha dhaqaalaha ee kooxda Daacish ayaa la sheegaya in ay xireen tobanaan xisaabo maaliyadeed oo ay lacagaha marsan jireen Argagixisada.
Ilo wareedyo amni oo aan rabin in magacyadooda la xigto ayaa xaqiijinaya in dowladda Puntland bilowday hawlgal sirdoon oo lagu beegsanayo hannaanka maaliyadeed ee Daacish, si loo curyaamiyo ilaha dhaqaalaha ee kooxdaasi.
Wararka ayaa sheegaya in Laamaha Amniga Puntland ay meesha ka saareen tobanaan xisaabo maaliyadeed oo ay adeegsan jirtay Argagixisada ISIS, islamarkaana laga bixiyay lacagihii ku jiray ka hor inta aan la xirin akoonnadooda.
Sidoo kale, tan iyo intii uu bilowday Hawlgalka ciidan ee buuraha Calmiskaad waxaa la sheegaya in uu meesha ka baxay dhaqaalihii Daacish ka qaadi jirtay ganacsatada Boosaaso, kaddib markii culays ciidan dhinac kasta laga saaray.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.