Muqdisho (Wararka PP) — Toddobaadkan shikrad Shiinaha laga leeyahay ayaa soo saartay Deepseek oo la tartamaya ChatGPT oo ku salaysan Garashada Sancaysan (Artificial Intelligence) adeegsanaysa keyd qoraalleedyo ballaaran. Lacag aad ugu yar intii ku baxday tababbaristii ChatGPT ayaa ku baxsay Deepseek, oo dadka adeegsaday ay ku tilmaameen inuu la heer yahay ChatGPT. Nin Hindi ah ayaa ka faallooday sababta Hindiya u soo la’dahay wax la tartami kara tekonoolajiyada Maraykanka.
“Hindiya maskaxdeeda ayay kireysaa oo u samaysaa Maraykanka hanti maskaxeed (intellectual property) halka Shiinuhu dadkiisa dalkooda Shiinaha u sameeyaan hanti maskaxeed.” Wuxuu ka waday in saynisyahanno badan oo Hindi ah ay doortaan inay u shaqeeyaan shirkado Maraykan meeshii ay shirkado ku yaalla dalka Hindiya si toos ah uga faa’iido ay asaasi lahaayeen.
Nin kale oo Twitter 9 ( hadda ah X) faallo ku qoray ayaa ku dooday “in Hindiya aysan lahayn habab garashada sancaysan ah oo suuqa Hindiya loo xiray, laakiin Shiinuhu sidaas ma aha.“
Dhanka kale, shirkadda OpenAI oo leh ChatGPT ayaa baaraysa in koox xiriir la leh shirkadda Deepseek ee Shiinaha ay heleen xog u gaar ah OpenAI, sida lagu soo qaray mareegta wararka ee Bloomberg. Suuqyada saamiyada lagu kala iibsado gaar ahaan NASDAQ, oo ay shirkadaha teknoolajitadu u badan yihiin, ayaa hoos u dhacay. Shirkadda NVIDIA, oo soo saarta aalad shirkadaha ku tartamaya Garashada Sancaysan adeegsadaan, ayaa lumisay 1 tiriliyan oo doollar kaddib markii Deepseek soo badhigay sida uu ula tartami karo ChatGPT.
© Puntland Post, 2025
You must be logged in to post a comment.