Xukuumadda Puntland oo go’aanno adag ka soo saartay ajaanibta sharci la’aanta ku jooga degaannada Puntland

Xukuumadda Puntland ayaa soo saartay go’aanno ku saabaan Xakamaynta ajaanibta sharci la’aanta ah ee ku sugan degaannada Puntland, si looga hortago in kooxaha Argagixisadu u adeegsadaan falal amni-darro.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu mamnuucay in Laga bilaabo maanta oo taariikdu tahay 25 Janaayo 2025 aysan degaanna Puntland joogin karin ajaanib sharci la’aan ah, islamarkaana aan guri laga kirayn karin wax shaqo ahna la siin karin.

“Laga bilaabo maanta oo taariikdu tahay 25 Janaayo 2025, qof aan si sharci ah ku joogin Puntland, guri lagama kirayn karo, Lambar looma furi karo, lamana shaqaalaysiin karo. Cidkasta oo hawlahaas fududaysana waxaa loo aqoonsanayaa inay faldambiyeed gacanta kula jirto” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka.

Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayaa sidoo kale mamnuucday dhammaan tuugsiga waraaqaha lambaradu ku qoranyihiin in lala istaago goobaha dadweynaha sida masaajidada, waddooyinka iyo goobaha ganacsiga hortooda, sida ku cad Warsaxaafadeedka.

Dowladda Puntland ayaa sidoo kale mamnuucday in shirkadaha isgaarsiinta ay Telefoono u furaan ajaaniibta aan haysan aqoonsi rasmi ah iyo damiin la yaqaan, waxaana ay fartay dhammaan shirkadaha isgaarsiinta in ay si deg deg ah u xiraan akoonada iyo Lambarada lagu tuugsado hadda shaqeeya.

“Waxaa la mamnuucay in shirkadaha isgaarsiinta ay Telefoono u furaan ajaaniibta aan haysan aqoonsi rasmi ah iyo damiin la yaqaan. Waxaa la farayaa shirkadaha isgaarsiinta in ay si deg deg ah u xiraan akoonada iyo Lambarada lagu tuugsado hadda shaqeeya” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland.

Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka

PUNTLAND POST