
Ciidamada Amniga Gobolka Bari oo hawlgal xooggan ka sameeyay magaalada Boosaaso ayaa soo bandhigay qaraxyo iyo agab kale oo loo adeegsado qaraxyada, kuwaasi oo laga helay guriga uu degganaa nin ajnabi ah oo xalay Ciidanku toogteen xilli uu qaraxyo ku aasayay gudaha Boosaaso.
Laamaha Amniga Boosaaso ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay koox ajaanib ah oo degganaa guriga qaraxyada laga soo saaray, islamarkaana waxay suuqa ka soo qabteen nin ajnabi ah oo isagoo dhaawac qaba xalay ka baxsaday ciidamada, kaddib markii la toogtay midkii qaraxyada aasayay oo ay wada socdeen.
Dhinaca kale, Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal ayaa soo bandhigay laba nin oo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo xalay laga qabtay caasimadda Garoowe, kaddib markii la arkay mid kamid ah oo xiran dharka dumarka, waxaana baaritaan ku wada Waaxda Danbi-baarista u qaabilsan Booliska Gobolka Nugaal ee C.I.D, si loo hubiyo Kiiskooda.
Ciidamada Ammaanka Puntland oo kaashanaya Shacabka ayaa magaalooyinka Puntland ka bilaabay hawlgallo lagu xaqiijinayo Amniga guud xilli Ciidamada kala duwan ee Difaaca Puntland buuraha Calmiskaad kula dagaallamayaan Argagixisada Daacish.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.