Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta garoonka diyaaradaha ee Boosaaso kaga hortegay dhaawaca Gen Fu’aad Xanaano iyo D\Le Jaamac Nuur oo ku soo dhaawacmay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, kuwaasi oo galabta diyaarad lagu keenay Boosaaso.
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Siciid Deni uu galabta garoonka diyaaradaha ee Boosaaso kaga hortegay dhaawaca Gen Fu’aad Xanaano iyo D\Le Jaamac Nuur oo ku soo dhaawacmay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, kuwaasi oo galabta diyaarad lagu keenay Boosaaso.
“Madaxweynaha ayaa garab istaag u muujiyey oo u kuurgalay xaaladda caafimaad ee saraakiishan geesiyaasha ah ee u dhaawacmay dalkooda iyo dadkooda, wuxuuna faray Guddiga taakuleynta Ciidanka in xaaladda caafimaad saraakiishan dhakhso looga hawlglo, si ay u helaan daryeel caafimaad oo dhameystiran oo dalka iyo dibadda ah” ayaa lagu yiri Qoraalka Madaxtooyada Puntland.
Ciidanka Dowladda Puntland ee ku jira Hawlgalada ciribtirka Argagixisada, ayaa guulo waaweyn ka gaaray hawlgalka buuralayda Calmiskaad, taasi oo siweyn ay usoo dhoweeyeen dadka reer Puntland oo isku duuban Dowlad iyo Shacaba. Waxaana inta badan Ciidanku la wareegay meelaha ay talisyada waaweyn ka sameysatay Argagixisada Daacish oo hadda firxad ah.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.