Dr. Cali Xaaji Warsame oo Villa Somalia ugu baaqay in ay Puntland ku taageerto dagaalka Daacish

Dr. Cali Xaaji Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta degaannada Puntland ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya in ay qayb ka noqdaan taageeridda dagaalka Puntland kula jirto Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish.

“Puntland xaq bay ku lee dahay Hantida Soomaaliya iyo dhaqaalaha Caalamku siiyo dowladda dhexe oo lagu soo qaato magaca Soomaaliya, waxaana arrintaasi mas’uuliyadi ka saaran tahay Madaxda dowladda Federaalka in ay garab istaagaan Puntland mana ahan Sadaqo ay bixinayaan ee waa xaq lagu lee yahay.”

“Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka, waxaan qabaa in ay waajib ku tahay in ay qayb ka noqdaan dagaalka Puntland kula jirto Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish, waxaana qabaa in haddii ay maanta ka gaabiyaan ay taariikhda baal xun ka gali doonaan, sidaasi daraadeed waxaan aad ugu dhiirra-gelinayaa in ay ka soo baxaan khaanada ay ku jiraan” ayuu yiri Dr. Cali Xaaji Warsame.

Wuxuu sheegay in dagaalkani Puntland kula jirto Argagixisada Caalamiga ah uu u baahan yahay in taageero xooggan laga siiyo dhinacyo kala duwan sida Saadka, Caafimaadka iyo Sirdoonka, taasina aan weli laga hayn dowladda Federaalka oo marar kala duwan sheegata in ay Argagixiso dagaal kula jirto.

PUNTLAND POST