Mas’uuliyiinta degmada Iskushuban ee Gobolka Bari oo kaashanaya ciidanka Booliska degmadaasi ayaa soo qabqabtay rag ku eedaysan in ay yihiin danbiilayaal shidayay dhirta lama taabtaanka ah ee degaankaasi.
Wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta degmada Iskushuban ee Gobolka Bari oo kaashanaya ciidanka Booliska degmadaasi ay soo qabqabteen rag ku eedaysan in ay yihiin danbiilayaal shidayay dhirta lama taabtaanka ah ee degaankaasi.
” Maamulka iyo police ka degmada Iskushuban ee Gobolka Bari oo is kaashanaya ayaa hawlgal ay fuliyeen ku soo qabqabtay dambiilayaal shidayay dhirta lama taabtaanka ah deegaanka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland.
Wasaaradda ayaa sheegtay in sidoo kale mas’uuliyiinta degmada oo kaashanaya Booliska ay baabi’iyeen hogo waaweyn oo loo isticmaali jiray shidista dhuxusha” Waxay sidoo kale halkaa ku baabi’iyeen hogag waaweyn oo ay isticmaali jireen shidista dhuxusha.”
“Waa talaabo bogaadin mudan, ayna tahay in ay kaga daydaan guud ahaan deegaannada Puntland, gaar ahaan kuwa fog fog ee nugul isticmaalka dhuxusha. Waxaa mahad gaar ah leh Guddoomiyaha Degmada Muuse Cali iyo Taliye k/xigeenkq Degmada Cali Cabdiraxman oo arrintaas iska kaashaday.”
“Wasaaraddu waxay markasta u taagantahay soo afjaridda wax kasta oo deegaankeenna quruxda badan caqabad ku ah. Waxayna ballanqaadaysaa cid kasta oo hawlgal kaa mid lamida fulisa in ay abaal marin doonto” ayuu sii raaciyay qoraalka wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada Puntland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.