Dowladda Puntland oo iska diiday Raashin ay ugu deeqday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Wasiir Ubax Cabdirashiid Maxamed

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee dowladda Puntland marwo, Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Boosaaso ayaa si adag u cambaareysay tallaabo ay qaadday dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay ku tilmaantay in ay shakhsi ku sugan Muqdisho deeq Raashin ah u soo marisay degaannada Puntland.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ee SoDMA ayaa shalay sheegtay in ay deeq Raashin ah oo loo qorsheeyay saddex kun oo Qoys ku wareejisay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Jigaato) oo laga soo doorto Puntland, si uu u gaarsiiyo dadka abaaraha iyo Colaaduhu saameeyeen ee ku sugan degaannada Puntland.

Haddaba, Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee dowladda Puntland marwo, Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo ka jawaabaysa Warka hay’adda SoDMA ayaa caddaysay in aysan degaannada Puntland soo geli karin deeq aan la soo marin dowladda, waxaana ay Cambaareysay Tallaabada dowladda Federaalku deeqdaasi ugu wareejisay qof siyaasi ah oo ku sugan Muqdisho.

“Puntland waxay si cad u sheegaysa wax gargaar ah, oo aan la soo marin Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee dowladda Puntland, kama soo degi karaan Badaha, Xuduudaha iyo Hawada Puntland midna, waxaan aqbali karno maahan, Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ee SoDMA aad ayaan ugu cambaareynayaa Tallabaadaasi” ayay tiri Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee dowladda Puntland marwo, Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi.

Wasiir Ubax ayaa sidoo kale sheegtay in aysan wax Xiriir ah lahayn Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee dowladda Puntland iyo hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ee SoDMA, waxaana ay beenisay in horay dowladda Soomaaliya wax gargaar bini’aadanimo ah u soo gaarsiisay degaannada Puntland.

PUNTLAND POST