Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa markii u horraysay tan iyo intii dib loogu doortay xilka Madaxweynaha Jubaland, waxaa uu
Saaka oo Sabti ah u amba-baxay Safar dibadda ah.
Warbaahinta degaannada Jubaland ayaa sheegtay in Madaxweyne Axmed Madoobe ay Saaka diyaarad Khaas ah ka qaadday garoonka diyaaradaha Kismaayo, islamarkaana uu ku sii jeedo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweynaha Jubaland uu magaalada Nairobi uga sii gudbi doono dalka Imaaraatiga Carbeed halkaasi oo uu ku jihaysan yahay Safarkiisa Rasmiga ah.
Socdaalka Axmed Madoobe ayaa imaanaya xilli uu Khilaaf xooggan kala dhexeeyo dowladda Federaalka Soomaaliya oo horay ugu jartay waaran soo qabasho sheegtayna in uusan gebi ahaanba ka bixi karin dalka sababo la xiriira warqado soo qabasho ee loo jaray.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.