Shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirada Puntland oo Todobaadkan ay ku jiraan Qodoba Xasaasi ah ayaa lagu qabanaya magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, siday wararku xaqiijinayaan.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Xubnaha Golaha Wasiirada Puntland ee ku maqan Caasimadda Garoowe lagu wargeliyay in ay yimaadaan magaalada Boosaaso, oo uu ka qabsoomayo Shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirada Puntland ee Todobaadkan.
Shirka Golaha Wasiirada ee Khamiista Todobaadkani, oo uu Shir-guddoominayo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sida wararku tilmaamayaan waxaa looga hadli doonaa Qodoba Xasaasi ah, oo ay ku jiraan dardar-gelinta Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada iyo bogaadinta guulaha waaweyn ee Ciidamadu ka gaareen dagaalkaasi.
Madaxweyne Deni oo dhawaanahan ku sugan magaalada Boosaaso ayaa sidoo kale Shirar la yeeshay qaar kamid ah Odayaasha iyo Waxgaradka Beelaha Gobolka Bari oo uu kala hadlay in dowladda lagu garab istaago Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ku jira labada buurood ee Calmiskaad iyo Calmadow.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.