Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa Ciidamada difaaca dowladda Puntland ku hambalyeeyay guulaha waaweyn oo ay ka soo hoyiyeen dagaalka Ciribtirka kooxaha Argagixisada ah ee Daacish.
“Waxaan u hambalyeeynayaa Halyeyada Daraawiishta Puntland ee maalmahan dagaalka adag kula jira Cadowga Daacish ee Gobolka Bari, waxaana ugu hambalyeynayaa guulaha waaweyn oo ay ka soo hoyiyeen dagaalkaasi” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse oo Hadal ka jeediyay Munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya si buuxda u garab taagan tahay Ciidamadaasi geesiyaasha ah Puntland ee dagaalka kula jira kooxaha Argagixisada ah ee Daacish, islamarkaana Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Taliska Ciidamada Federaalku u diyaarsan yihiin in ay gurmad kasta oo loo baahdo ku garab istaagaan Ciidamada Puntland.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u garab taagan tahay Ciidamadaasi geesiyaasha ah ee Puntland ee dagaalka kula jira Cadowgaasi, waxaan la garab taaganahay Hiil iyo Hoo, waxaana Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed u diyaarsan yihiin in ay gurmad kasta oo loo baahdo ku garab istaagaan Ciidamada Puntland” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.