Puntland oo sheegtay in ajaanibta Daacish intooda badani ka yimaadeen dalal aan muslim ahayn

Taliyaha Ciidanka Dhiirrane, oo ka tirsan Daraawiishta Puntland S/sare Mukhtaar Axmed Faarax (Gaagaale) ayaa sheegay in tirada ugu badan ee Daacishta ku sugan buuraha gobolka Bari ay yihiin ajaanib u dhashay dalal aan muslim ahayn.

Taliye Mukhtaar Gaagaale ayaa tilmaamay in ajaanibta Daacish ee sheeganaya in ay jihaad u soo doonteen Soomaaliya intooda badan ka yimaadeen dalal aan muslim ahayn ama muslimku ku yar yahay, taasina muujinayso in aysan diin wadin ee ujeeddooyin gurracan lee yihiin.

Taliyaha oo khudbad kooban u jeediyay Ciidankiisa ayaa xusay in ajaanibta Daacish qaarkood ka yimaadeen Yahuudda iyo Reer Galbeedka islamarkaana sheeganayaan in ay jihaad u soo doonteen Soomaaliya oo 100% muslim ah, balse ujeedkoodu yahay mid durugsan oo lagu dabar-goynayo isirka Soomaaliyeed.

Waxaa xusid mudan 19 October 2024 in Ciidamada Puntland gacanta ku dhigeen muwaadin Israa’iili ah oo tirsanaa Daacish kana yimid magaalada Saakhnin oo ku taalla waqooyiga Israa’iil, kaasi oo sheegay in uu jihaad u soo doontay Soomaaliya.

PUNTLAND POST