Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in horumar laga gaaray wadahadallada socda ee lagu doonayo in lagu sii daayo La-haystayaasha Israa’iil ee lagu haysto marinka Gaza.
Netanyahu aya shegay in aaney shaqada joojin doonin ilaa inta dadkaasi dib loogu soo celinaayo guryohooda.
Netanyahu ayaa sidoo kale sheegay in uu doonayo in uu heshiisyo nabadeed oo cusub la saxiixdo dalalka Carabta, mid la mid ah heshiiskii Abraham ee 2020-kii ee uu Maraykanku gar wadeenka ka ahaa ee Israel iyo dhowr dal oo Carab ah.
Netanyahu waxa uu sheegay in dalalka Carabta ee qunyar socodka ah ay u arkaan Israa’iil inay tahay quwad goboleed iyo xulafo macquul ah uuna doonayo in uu si buuxda uga fayiideysto.
Ilaa iyo hadda waxaa Gaza ku sugan ku dhawaad 100 la haystayaal ah, inkastoo ugu yaraan saddex-meelood meel la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymaha Israa’il ay ku heyso Gaza.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.