Madaxweyne, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii u horraysay shaaciyay in dowladda Puntland ogtahay dadka gacan-saarka la leh Argagixisada ee ku sugan magaalooyinka Puntland, balse wakhtiga ku habboon tallaabo laga qaadi doono.
Madaxweyne Siciid Deni ayaa sidoo kale sheegay in Puntland cafis u fidin doonto cid kasta oo ka tirsan kooxaha Argagixisada ah ee ka tanaasusha fikirkooda “Waxaan rabaa in aan halkan baaq uga diro cid kasta oo ururrada Xagjirka ah ku jirtay oo diyaar u ah in ay ka tanaasusho fikirkooda, waxaan u fidin doonaa cafis.”
“Laakiin ciddii ku madax-adaygta waxaan faraya ciidamada Puntland in ay waajibkooda ka gutaan. Ciddii diyaar u ah in ay bulshadooda soo dhex gashana, waxay dowladdu dejisay siyaasad lagu maamulayo dadka raba in ay danbiyadaasi ka soo noqdaan” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
“Waxaan kale oo u sheegaya dadka magaalooyinka jooga ee gacan-saarka la leh kooxaha Xagjirka ah oo la shaqeeya kana shaqaysta, dowladdu waa idin ogtahay ee tallaabada xilliga ku habboon baa la qaadaa, inta goori-goor tahay dadkiina ku soo biira” ayuu sii raaciyay Madaxweynaha.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.