Madaxweyne Ruto oo sheegay in la Kulan siinayo Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in isaga, Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ay ka wada hadli doonaan, si loo yareeyo xiisadda ka jirta Geeska Afrika.

“Madaxweyne Museveni, aniga, Walaalkeey Xassan Shiikh, iyo Ra’iisulwasaare Abiy, waxa aan qorsheyneynaa in aan kulan yeelanno, si aan sidoo kale ugu yareyno xiisadda hadda ka taagan Geeska Afrika,” ayuu Madaxweyne Ruto yiri isagoo ka hadlayay Shir Madaxeedka EAC ee ka socda magaalada Arusha ee dalka Tanzania.

“Maxaa yeelay, nabadda Soomaaliya, xasilloonida Soomaaliya waxa ay si mug leh qeyb uga tahay xasilloonida gobolkeenna,” ayuu sii raaciyay Madaxweyne Ruto, waxaana uu noqonayaa shirkii ugu horreeyey ee si toos ah oo u dhexmara madaxda Itoobiya iyo Soomaaliya tan iyo markii Addis Ababa ay Somaliland la saxiixatay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee muranka dhaliyay.

Kani ayaa noqonaya isku-daygii u danbeeyay ee lagu doonayo in lagu dhammeeyo xiisadda ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee 1-dii Jannaayo Addis Ababa ay ku gaareen Itoobiya iyo Somaliland, kaasi oo udub-dhexaad u ah xiisada ka taagan gobolka Geeska Afrika.

PUNTLAND POST