Puntland oo mamnuucday Khamaarka 1xBet iyo kaararka gaarka ah ee Private Numbers

Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah u mamnuucday adeegyada shirkadda Khamaarka ee 1xBet, islamarkaana joojisay kaararka gaarka loo furto ee (Private Numbers).

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu mamnuucay adeegyada shirkadda Khamaarka ee 1xBet waxaana sidoo kale lagu joojiyay kaararka gaarka loo furto ee Private Numbers.

Madaxweyne Deni ayaa ku amray shirkadaha Isgaarsiinta in ay joojiyaan furista Private Numbers-ka sidoo kalena la xiro dhammaan kaararkii horay loo bixiyay ee Private-ka ahaa, sida ku cad Wareegtada uu soo saaray.

Halkan ka akhriso Wareegtada Madaxweyne Deni.

PUNTLAND POST