Dowladda Puntland oo Itoobiya ka soo iibsatay hub iyo saanad ciidan oo xooggan

Cutubyo aad u hubaysan oo ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa saaka si nabad ah ku soo gudbiyay hub iyo saanad ciidan oo dowladda Puntland ka soo iibsatay Itoobiya.

Mileeshiyaad hubaysan ayaa xalay isku dayay in ay furtaan hubkaasi oo marayay degmada Bookh ee gobolka Doollo balse waxa ka difaacay ciidamo ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida DDS.

Wararka ayaa sheegaya in xalay is rasaasayn xooggan laga maqlay gudaha degmada Bookh kadib markii mileeshiyaad hubaysan isku dayeen in ay furtaan gaadiidkii u hubka u siday dhinaca Puntland.

Waxaase si adag hubkaasi u difaacay ciidamo ka tirsan dowlad degaanka DDS kuwaasi oo aroornimadii hore ee saaka ku wareejiyay ciidamada dowladda Puntland oo soo galbiyay islamarkaana si nabad ah ku keenay.

PUNTLAND POST