Qaramada Midoobey oo beenisay in ay soo saartay digniin amni oo ku wajahan Muqdisho

Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM ayaa been abuur ku tilmaamay in uu isagu soo saaray digniin ku saabsan Amniga Muqdisho oo dhawaan ku faaftay baraha bulshada.

Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa lagu caddeeyay in aysan digniintaasi ka imaan dhinaca UNSOM islamarkaana ay tahay dukumeenti been-abuur ah.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay la socotaa warbixin lagu sheegay in qeybta ammaanka ee Qaramada Midoobay ay soo saartay, laguna faafiyay baraha Internet-ka, taas oo aheyd dukumeenti been-abuur ah” ayaa lagu yiri qoraalka UNSOM.

Qoraalka been-abuur ah ee ku faafay baraha bulshada ayaa muujinaya digniin deg deg ah oo loo jeediyay dhammaan shaqaalaha Qaramada Midoobey ee ku sugan Muqdisho taasi oo ka digaysa qaraxyo baabuur loo adeegsado.

PUNTLAND POST