
Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa isbeddel ku sameeyay golaha wasiirrada ee dhowaan uu magacaabay , wuxuu isku beddelay Wasiirkii Difaaca , Aadan Barre Ducaale oo loo magacaabay Wasaaradda degaanka iyo Isbeddelka Cimilada
Haweenayda Soipan Tuya, oo dhawaan loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda degaanka iyo Isbeddelka Cimilada dhowaan hadda loo beddelay wasaaradda difaaca.
Ducaale, ayaa isbeddelkan si deg deg usoo dhaweeyay, isagoo u mahadceliyay Ruto , balse ma cadda in isbeddelkan uu ku yimid cadaadiska ay gudaha Kenya ku wajahayaan siyaasiyiinta Soomaalida oo haya xilalka ugu sarreeya ee Amniga.
Haweenayda hadda qabanaysa xilka Wasiirka difaaca oo ah qareen, Soipan Tuya waxay noqonaysa haweenaydii u horreysay ee ka soo jeeda qomiyadda Maasai oo qabata jagada Wasiirka difaaca Kenya.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.