Guddiga doorashada iyo xisbiyada Siyaasadda Puntland oo xalay shir ka yeeshay arrimaha doorashada

Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa xalay xarunta guddiga kula shiray madaxda xisbiyada siyaasadd Puntland, oo walaac ka qaba hufnaan la’aanta doorashada.

Qoraal kooban oo ka soo baxay guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa lagu sheegay in shirka labada dhinac guddiga iyo xisbiyada siyaasadda looga hadlay hufnaanta doorashada saddexda degmo.

“Shirka ayay ugu wada hadleen sidii ay saddexda degmo ee Garowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan uga qabsoomi lahayd doorasho hufan oo xor iyo xalaala, sidoo kale xisbiyada iyo Guddiga ayaa ka wada dooday tabasho ay muujiyeen qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadda iyagoo ku dhameeyay is afgarad labada dhinaca” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga.

Sabtidii shalay war-saxaafadeed wadajir ah, oo ay soo saareen lixda xisbi oo kala ah; Mideeye, Mustaqbal, SINCAD, Ifiye, RUNCAD iyo Shaqaalaha ayay ku muujiyeen walaaca ku aaddan hufnaan la’aanta doorashada, kadib markii sida ay sheegeen xisbiga talada haya ee Kaah uu xad-gudub ku sameeyay xeerarka iyo habraaca ololaha doorashada saddexda degmo.

PUNTLAND POST