Spain oo noqotay horyaalka Yurub

Xulka kubadda cagta Spain ayaa markii afraad ku guuleystay koobka qaramada Yurub kaddib markii ay 2-1 uga adkaadeen xulka England.

Spain ayaa ciyaarta hoggaanka ku qabatay gool uu ka caawiyay Nico Williams, England ayaase ku bareejaysay gool ay ka heshay Cole Palmer, balse gool uu xilli dambe u dhaliyay Oyarzabal ayaa guusha ku hoggaamisay xulka Spain.

Waa markii afraad oo Spain ku guuleysato tartankan (1964, 2008, 2012 iyo 2024), halka England ay weli ka qatan tahay koobkan oo ay markii labaad oo xiriira timid kama dambaysta.

Rodri ayaa la guddoonsiiyay xiddiga tartanka, halka Lamine Yamal uu noqday ciyaaryahanka da’da yar ee tartanka.

PUNTLAND POST