Madaxweynaha Puntland oo qaabilay Ergayga cusub ee Qaramada Midoobey u soo magacowday Soomaaliya

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga cusub ee Qaramada Midoobey usoo magacowday Soomaaliya Ambassador James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan arrimaha Siyaasadda Soomaaliya iyo doorka Puntland ee Dowlad dhiska Soomaaliya, Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay Arrimaha Puntland sida Dimuqraadiyadda oo ay Qaramada Midoobeysay boggaadisay Doorashada Goleyaasha deegaanka ee socda iyo Mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo.

Waxaa Kulanka ka qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.

PUNTLAND POST