Puntland iyo Midowga Yurub oo ka wada-hadlay Iskaashiga dhinaca Amniga iyo Xasiloonida Badaha

Taliyaha Hawlgelinta Ciidamada PMPF Gen. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac oo ay weheliyaan Saraakiisha Sar-sare ee ciidamada PMPF ayaa kulan kula qaatay Boosaaso Madaxa Hawlgallada Rayidka ka ah ee Midawga Yurub Mr. Stefano Tomat oo uu weheliyo Madaxa EUCAP Somalia Mr. Kęstutis Lančinskas.

Kulanka oo ka qabsoomay Xarunta Hawlgallada iyo la socoshada dhaqdhaqaaqyada Badaha ee PMPF (MOC) ayaa looga wadahadlay xoojinta Wadashaqaynta labada dhinac, sare u qaadidda hawlgallada EUCAP Soomaaliya ay ka fuliyaan dalka, gaar ahaan Puntland iyo dardargelinta iskaashiga Tababarada socda ee lagu tayaynaayo ciidamada PMPF, wadaagista xogta falalka Amidaro ee ka dhaca badaha iyo in la iska-kaashado waxkasta oo liddi ku ah amniga, qaanuunka iyo xasiloonida Badaha dalka iyo kuwa Caalamiga ah sida lagu sheegay Qoraal ka soo baxay PMPF.

Dhinaca kale, Taliska Guud ee ciidamada PMPF ayaa ku adkeeyey Weftiga Midawga Yurub iyo kuwa EUCAP Somalia in sare loo qaado Hawlgallada ay ka fuliyaan dalka, islamarkaana lagu saleeyo qorshayaasha hortebinta leh ee lagu horumarinaayo Amniga Soomaaliya, gaar ahaan Puntland, kuwaas oo ah tababarada ciidamada iyo qalabayntooda, taasi oo muhiim u ah in guul wadajira laga gaaro yoolasha midaysan ee wadashaqaynta labada dhinac.

PUNTLAND POST