Itoobiya oo khatar ka dhan ah Amnigooda Qaran u aqoonsaday cid kasta oo diidan Is-afgaradkii Badda

Dowladda Itoobiya ayaa u aqoonsatay khatar ka dhan ah Amnigooda Qaranka cid kasta oo ka hortimaada doonistooda marin biyoodka badda cas.

Agaasimaha fulinta ee machadka arrimaha dibadda Itoobiya, Jacfar Bedru ayaa sheegayvin ay khatar ka dhan ah Amnigooda Qaranka u arkaaj cid kasta oo diiddan in Itoobiya hesho marin badeedka.

Agaasime Jacfar Bedru ayaa intaasi ku daraya in dhaqaalaha iyo horumarka Itoobiya uu ku tiirsanyahay 100% badda cas,isagoo sii hadlaya wuxuu yiri ; “Itoobiya waxay qayb ka tahay Badda Cas, waxayna si istiraatijiyadeed ku tiirsan tahay marinkan muhiimka ah ee ganacsiga adduunka.”

Itoobiya ayaa doonaysa in ay marin badeed iyo saldhig ciidan ka hesho badda cas, kaddib heshiis ay la gashay Somaliland , bishii koowaad ee sannadkan , kaasi oo aan weli dhaqangelin.

Is-afgaradka badda labada dhinac ee Itoobiya iyo Somaliland ayaa waxa si adag u diidday dowladda Soomaaliya oo ku tilmaantay duullaan ka dhan ah Qarannimada iyo jiritaanka Soomaaliya.

Dhinaca kale Turkiga oo bilaabay dhex-dhexaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa labada dhinac ku wada-hadal siiyay magaalada Ankara inkastoo Kulankaasi natiijo la’aan ku dhammaaday balse mid kale lagu ballamay bisha September ee sannadkan.

PUNTLAND POST