Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka degaanada jubbaland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay garab taaganyihiin ciidamada Jubaland ee dagaalka kula jira argagixisada.
“Hadaanu nahay Odayaasha Dhaqanka Jubbaland waanu garab taaganahay ciidamada dhiigga iyo dhuuxa ino huraya” ayay warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Jubbaland.
“Waxaa iga go’aan inaan ku shahiido degmada Badhaadhe anigo garab jooga ciidamada geesiyada ah ee Jubbaland lana dagaalamaya Khawaarijta”sidaa waxaa yiri Ugaas Cabdullaahi Siraad Cabdi oo kamid ah odayaashaasi.
Odayaasha ayaa tilmaamay in diyaar u yihiin in ay ku shahiidaan dagaalka Al-shabaab looga xoraynayo dhulka Jubaland oo ay ciidamada kala qeyb galayaan howlagallada ka socoda degaannada maamulkaasi.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.