Real Madriid oo qaaday horyaalka Yurub ee 2024

Kooxda Real Madriid ayaa markii shan iyo tobnaad ku guuleysatay koobka kooxaha Yurub ee UEFA Champions Leugue, kaddib markii ay 2-0 uga adkaatay kooxda Borussia Dortmund.

Laba gool oo qaybtii dambe ee ciyaarta ay kala dhaliyeen xidigaha Dani Carvajal iyo Vinicius Junior ayaa Real Madrid iyo tababare Carlo Ancelotti siiyay guul taariikhiga, kulankii kama dambeysta oo caawa ka dhacay garoonka Wembley ee magaalada London.

Real Madriid ayaa tartankan in ka badan kala bar kaga guuleysi badan kooxda ku soo xigta ee AC Milan oo haysata todoba jeer, halka Carlo Ancelotti uu markii shanaad isoo macalin ah uu ku guuleystay tartankan.

Kooxda reer Spain ee Real Madrid ayaa ku guuleysatay koobka kooxaha Yurub 1956, 1957, 1958, 1959, 1960, 1966, 1998, 2000, 2002, 2014, 2016, 2017, 2018, 2022 iyo 2024.

PUNTLAND POST