Real Madrid oo u soo baxday kama dambaysta tartanka kooxaha Yurub

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa u soo baxday kama dambaysta (final-ka) tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League, kadib markii ay lugtii dambe ee afar dhamaadka soo laabasho layaab leh oo 2-1 uga adkaatay Bayern Munich oo lugtii hore ay wada galeen barbardhac 2-2 ah.

Bayern Munich oo gool la timid daqiiqadii 68-aad ayaa niyadda gashatay in ay guuleysanayso, balse waxaa taas diiday xiddiga Mato Joselu oo waqtigii dhimashada (88-aad iyo 90+1) laba gool u keenay kooxdiisa Real Madriid.

Kooxda reer Spain ee Real Madrid oo ah kooxda ugu guuleysiga badan tartanka UEFA Champions League ayaa qaaday 1956, 1957, 1958, 1959, 1960, 1966, 1998, 2000, 2002, 2014, 2016, 2017, 2018 iyo 2022.

Real Madrid ayaa kulanka kama dambaysta 1 June 2014 garoonka Wembley ee London kula ciyaari doonta kooxda reer Jarmal ee Borussia Dortmund oo talaadadii ka soo adkaatay PSG.

PUNTLAND POST