Khasaare ka dhashay weerar dowladda hoose ee Garoowe ku qaaday guri uu lee yahay sarkaal ciidan

Dowladda Hoose ee degmada Garoowe ayaa saaka weerartay oo burburisay guri uu Garoowe ku lee yahay sarkaal ka tirsan Ciidanka Asluubta Puntland.

Weerarka ayaa waxa ku dhintay hal ruux halka uu ku dhaawacmay mid kale waxaana dowladda hoose xabsiga dhigtay sarkaalkii guriga lahaa iyo dadkii la joogay.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in maydka qofkii ku dhintay weerarka aan weli la aasin oo uu tallaagad ku jiro.

Dowladda hoose ee Garoowe weli kama hadlin sababta ay u weerartay guriga sarkaalkaas oo kamid ah saraakiishii hore ugu dhaawacnay difaaca Puntland.

PUNTLAND POST