Wiil uu adeer u yahay Axmed Karaash oo loo wado wasiirka duulista Hawada Puntland

Jaamac Cali Warsame oo uu adeer u yahay Madaxweyne ku xigeenkii hore Axmed Karaash ayaa la filaya in uu kamid noqdo xukuumadda cusub ee Puntland.

Warar madax-bannaan ayaa sheegaya in Jaamac Cali Warsame loo badinayo in uu noqdo wasiirka duulista Hawada iyo garoomada xukuumadda cusub ee madaxweyne Deni.

Inkastoo ay jiraan shakhsiyaad beeshiisa ah oo raadinaya xilkaasi haddana waxa isagu taageero xooggan ka helaya madaxweyne ku xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor (Gebilay) oo riixaya magacaabistiisa.

Xilka wasiirka duulista Hawada iyo garoomada xukuumadda Deni waxa shantii sano ee hore hayay madaxweyne ku xigeenka hadda Ilyaas Lugatoor kaasi oo aysan marna saamayn isbeddelladii lagu sameeyay golaha wasiirada Puntland.

PUNTLAND POST