Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland ee PISA ayaa maanta garoonka diyaaradaha Garoowe ka wadatay weriye Jamaal Cismaan oo u shaqeeya Warbaahinta dalka Ingiriiska.
Warar dhinaca Amniga ah ayaa xaqiijinaya in weriye Jamaal la geeyay gudaha magaalada Garoowe islamarkaana saraakiil ka tirsan Waaxda baarista ee Sirdoonka Puntland halkaasi su’aalo ku weydiinayaan.
Hay’adda Sirdoonka Puntland ee PISA weli kama hadlin eedda lagu tuhmayo suxufi Jamaal oo haysta dhalashada dowladda Ingiriiska deggana magaalada London ee caasimadda dalkaasi.
Ilo wareedyo madax-bannaan ayaa sheegaya in dhawaan suxufi Jamaal Cismaan dib loogu celin doono dalkii uu ka yimid oo aan loo ogolaan doonin in uu sii joogo Soomaaliya.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.