Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo.
Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa Kismaayo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweyne ku xigeenada, xubnaha Xukuumadda Jubbaland iyo qaar kamid ah Shacabka magaalada.
“Socdaalka Madaxweynaha ayaa ku salaysan dhammaystirka xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, horumarinta hannaanka Federaaleynta iyo u kuur gelidda xalaadda nololeed ee reer Jubbaland” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.
“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddada uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo waxa uu kulamo la yeelandoonaa Madaxda Dowlad goboleedka Jubaland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo dhagaysandoona talooyinkooda ku aaddan dowlad dhiska, ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka iyo horumarka dalka” ayuu sii raaciyay warkaasi.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.