Askar isticmaala maandooriyaha Khamriga oo habeenkii fara kulul ku haya Amniga Garoowe

Askar ka tirsan ciidamada Puntland oo isticmaala maandooriyaha khamriga loo yaqaan ayaa habeenkii fara kulul ku haya amniga Garoowe.

Rasaas xooggan ayaa xalay laga maqlay xaafado kamid ah magaalada Garoowe, waxaana wararku sheegayaan in ay ridayeen askar ka tirsan ciidamada Puntland oo isticmaalay maandooriyaha Khamriga.

Rasaasta qaar ayaa gurya la degan yahay ku dhacday, islamarkaana hurdada ka kicisay qoysas fiidkii seexday, inkastoo aan weli wax khasaare nafeed ah laga soo werin.

Kooxaha ka tirsan ciidamada ee isticmaala maandooriyaha Khamriga ayaa si joogta ah habeen kasta rasaas aan loo meel dayin la dhacaya xaafadaha kala duwan ee Garoowe, taasi oo aysan waxba ka qaban xukuumadda madaxweyne Deni.

Todobaadyo ka hor, xabbad wiifto ah oo la rumaysan yahay in ay rideen kooxaha khamriilayaasha ah ee Garoowe ayaa xilli habeen ah madaxa kaga dhacday gabar 14 jir oo gurigooda huruday.

Gabadha oo lagu magacaabo Isra Cabdirashiid Siciid ayay madaxa fariisatay xabbaddu, waxaana la sheegay in weli loo la’ yahay kharash lagaga soo saaro xabbadda, maadaama ay dhaleen qoys danyar ah.

PUNTLAND POST