Siciid Deni oo ku hungoobay is-bahaysi uu ka dalbaday laba musharrax oo saamayn sare leh

Madaxweyne Siciid Deni ayaa ku fashilmay is-bahaysi uu ka raadiyay laba kamid ah Musharrixiinta Mucaaridka ah ee saamaynta sare leh.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa tilmaamaya in Siciid Deni uu is-bahaysi ka dalbaday laba musharrax oo safka hore saaran balse ay ka cudur-daarteen codsigiisa.

Musharrax Deni ayaa sida la rumaysan yahay tallaabadan fashilantay ku raadinayay in uu kaga baxsado waxa loo yaqaan “wa-shamsi” oo ah in isaga la isu bahaysto.

Warar kale ayaa tilmaamaya in ay jiraan musharrixiin aan safka hore ahayn oo is-bahaysi la sameeyay Siciid Deni inkastoo su’aashu tahay maxay ku biirin karaan?

PUNTLAND POST