Musharrixiinta Mucaaridka ah ee Puntland oo goor dhaw shir deg deg ah yeelanaya

Musharrixiinta Mucaaridka ah ee Puntland ayaa goor dhaw shir deg deg ah ka yeelanaya falcelinta ku aaddan liiska cusub 66-ka Baarlamanka.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in shirkan uu yahay mid xasaasi ah oo si weyn looga doodayo falcelinta ku habboon 66-da xildhibaan oo ay ku jiraan shakhsiyaad suuqa laga qortay.

Shirkan ayaa imaanaya iyadoo saacado yar kadib guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland laga sugayo sii saynta liiska cusub ee 66-ka xubnood oo ay ku jiraan kuwa reer SSC ee aan haysan saxiixa isimada

PUNTLAND POST