Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Deni oo ka horyimid go’aankii Mucaaridka Puntland

Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Siciid Deni oo ku hadlaya magaca Beesha Dhulbahante ayaa ka horyimid go’aankii shalay ka soo baxay musharrixiinta Mucaaridka ah ee Puntland.

Musharrixiinta Mucaaridka ah ayaa shalay isku raacay in doorashada Madaxtooyada Puntland ku dhacdo wakhtigeeda oo ku beegan 8 Jan 2024 laguna galo 49 xildhibaan maadaama SSC-Khaatumo ka baxda Puntland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Musharrixiinta xilka Madaxweynaha Puntland ayay sidoo kale ku sheegeen in ay kalsoonida kala laabteen guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka cusub ee Puntland.

Haddaba waxa go’aankaasi qaaddacay mas’uuliyiinta ka soo jeeda Beesha Dhulbahante ee ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Deni waxaana ay tallaabada Mucaaridka ku tilmaameen mid aan sharciga iyo Dastuurka Puntland waafaqsanayn.

PUNTLAND POST